Siddeedaba dagaalladda ka jira Dunidda Maanta iyo kuwii hore uga dhacay intaba, waxay isagu jireen sidan:
• Dhulal iyo sohdin badeed muran ka jiraan ama ka jireen.
• Muran u dhexeeyey labo dawladood ama ka badan.
• Xasilooni darro Siyaasadeed, ka dibna isu bedesho mid bulsho (dagaal sokeeye).
• Xasilooni darro dhanka dhaqaalaha, ka dibna sabab u noqdo dagaal inuu dhaco.
• Dembiyo abaabulan ( maffia-qowleysato ).
• Mid argagixiso.
• Mid colaad diimeed.
Si walba ha ahaatee, waxaa leysku raacay in dagaalladda, dagaalka ugu xun yahay;Cadow aadan arkeyn oo dagaal lala galo sida; 1- dagaaladda argagixisadda. 2- Taariikhda oo lala dagaalamo.
Midka 1aad iyo midka 2aad waa dagaallo ku saleysan been abuur iyo marin habaabin.Midka 3aadna waa mid u baahan u fiirsasho iyo fakar, micnihii; haddii qof walba la dagaallo naftiisa oo u ka adkaado waa sax, hayeeshee haddii dad isu tagay isku dayaan iney dad kale naftoodda ka adkaadaan waa qalad. 3- iyo Aadamiga oo naftiisa la dagaalamo.
Ugu dambeeyntii, su’aasha dhigaalka iyo qormadan, waxaa ugu horeyn doonta; Maxaa Somalida dagaalkoodda ka dhigay mid argagixiso iyo mid sohdin qabiil dagaalkii sokeeye ee ka dhex dhacay ka dib? Muxuu u noqon waayey dagaalkoodda mid ku dhisan sohdin ama xuduud dhuleed iyo mid badeed ee lagu heysto ilaa iyo Maanta?
Labadaas su’aalood, waxay daliil iyo burhaan buuxda u noqon karaan; ineysan Somali weli ka soo adkaan naftoodda ee qof ahaaneed iyo iney weli mashquul ku yihiin abaabulka dembiyo ka dhan ah Insaaniyadda oo si wadajir ah loo sameeyo.
Yuusuf Cabdiraxmaan waa qoraa ka faalooda arimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Be the first to comment