No Image Available

Suugaanta Geela

 Author: Axmad Cali Abokor  Category:  ISBN: 91-7106-259-9
 Description:

Ururinta iyo kaydinta suugaanta odhaahda(l) ah ee soomaaliyeed waa arrin muhiim ah 00 wax ka-qabasho degdeg ah u baahan. Suugaantaas 00 waayihii hore la tiriyey, iyada 00 aan qornaynna da’iba u soo gudbinaysey da’da(2) xigta illoobid ama lumidna halis u ahayd, waxay si weyn uga warramaysey dhaqanka iyo taariikhda soomaaliyeed. Shakina kuma jiro in inteedii badneyd ay luntay, 00 waxa laga soo gaaray ay aad u yartahay. Mowduuc kasta 00 ku saabsan dadka iyo dalka soomaaliyeed marka wax laga qorayana, raadraacyada(3) lama huraanka ah ee weliba wax laga heli karaa waa suugaanta odhaahda ah. Qoraalkii aan lahayn raadraac suugaaneed waxaad mooddaa inuu kala dhiman yahay ama macluumaadkiisuba aanay sugnayn. Qoraalkan 00 ku saabsan suugaanta geela wuxuu ka soo dhex baxay ururin ballaadhan iyo diraasad weyn 00 lagu sameeyay suugaantii hore ee soomaalidu ka tirisay dhaqashada geela. Suugaantaas 00 aad u tira badnayd, dhul kala durugsanna laga kala tiriyey waqtiyo aad u kala fogaa, waxa waqtigan laga heli karaa, waa la garanayaa inay yihiin wax tiro ahaan kooban, laakin tayadoodii(4) iska leh. Weyna habboon tahay in aynnu ka faa’iideysanno, 00 ogaanno dhibaatada iyo dheefta(5) ku dhex jirta dhaqashada geela.


 Back
Translate »