U jeedka ka dambeeya mamnuucidda TikTok ee Soomaaliya

Waryaa News

Dawladda Soomaaliya ayaa mamnuucday appka TikTok, ka fariimaha ee Telegram iyo website-ka sharadka online-ka ah ee 1XBet, si loo xaddido faafinta dhaqanka aan wanaagsaneyn iyo dacaayadaha been abuurka , siduu sheegay wasiirka isgaarsiinta ee Soomaaliya.

“Wasaaradda isgaarsiintu ayaa ku amraytay shirkadaha internetka in ay joojiyaan codsiyada aan kor ku soo xusnay, kuwaas oo argagixisada iyo kooxaha akhlaaqda xun ay u adeegsadaan in ay bulshada u gudbiyaan muuqaalo argagax leh iyo warar khaldan oo joogto ah,” ayuu wasiir Jaamac Xasan Khaliif ku yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray gelinkii dambe ee maalintii Axadii.

TikTok, Telegram iyo 1XBet isla markiiba kama aysan jawaabin xanibaadda lagu soo rogay oo lagu amray adeeg bixiyayaasha internetku inay u hogaansamaan laga bilaabo 24ka Agoosto.

Xayiraadan ayaa daba socota, wadamo badan oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Reer Galbeedku oo u hanjabay TikTok in laga mamnuuci doono wadamadooda sababto ah xiriirka dhaw ee ay shirkadu la leedahay dowladda Shiinaha. Wadamadan ayaa shaqaalaha ka mamnuucay inay TikTok u adeegsadaan aaladaha dowladda oo soo saareen sharciyo ka mamnuucaya TikTok.

Waxaa kale oo hakad galiyay Tiktok wiigii kasoo dhaafay wadanka Senegal arrimo la xiriira doorashooyink awgood. Mas’uuliyiinta ayaa joojiyay gelitaanka barnaamijka TikTok, taasoo ballaarisay xadidaada mucaaradka oo maalmahan mudaharaadayay ka dib markii la kala diray xisbigii ugu weynaa oo ay xireen hoggaamiyahooda.

Hase yeeshee Soomaaaliya ayaa noqonysa wadankii ugu horeeyay ee gabi ahaanba mamnuuca isticmaalka Tiktok, arintan oo yaab badan dhalisay maadaama aanay wadanka hadda doorasho iyo qalalaase kasocon. Waxay dad badan iswaydiinayaan sabata loo beegsaday TikTok oon ka duwanayn aaladaha kale ee baraha bulshada sida Instagram, SnapChat, iyo Facebook marka la eego faafinta dhaqamada xun iyo been abuurka.

Hadaba Soomaaliya oo fursad ka aragtay loolanka dhaqaale ee Afrika ee Maraykanku kula jiro Shiinaha ayaad moodaa inay kaga faa’ iidaysanayo arintan si ay umuujiso isu soo dhawaansho, ayay Soomaaliya la safatay maraykanka oo u ololaynayay xayiraada TikTok, kasokow arimaha amni ee la xiriirka aaladda, si uu kor ugu soo qaado shirkadaha Maraykaka ee baraha bulshada ee Facebook, Twitter, YouTube oo tartan culus wajahayay siday TikTok suuqa usoo gashay. Soomaaliya waxay dhaqaalaha ugu badan ka heshaa dawladda Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*