Roobab xoogan oo la filayo in ay ka da’aan Geeska Afrika ilaa Luulyo

Golaha saadaasha cimilada ee urur gobaleedka IGAD(ICPAC) ayaa soo saaray jimcihii digniin la xiriirta roobabka xoogan ee kusoo wajahan Geeska Afrika bilaha soo socda inta udhaxaysa bisha 5aad ilaa 7aad. Kuwaas oo saamayn wayn ku yeelankara badqabka dad iyo duunyo.

“Tani waxay si gaar ah uga socotaa inta badan Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Uganda, iyo galbeedka iyo xeebaha Kenya,” ayuu yiri afhayeenka ICPAC.

Gobolka waxaa hadda ka da’aya roobab aan caadi ahayn oo sababay fatahaado, dhimasho iyo burbur. Kenya, daadad ayaa dilay in ka badan 50 qof, kumanaan kalena way ku barakaceen, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Kenya. Sidoo kale,Tansaaniya oo dariska la ah, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada ku dhimatay fatahaadaha ay tahay 155, in ka badan 200,000 ay ku barokaceen.

Inkasta oo inta badan Geeska Afrika ay roobabku helaan bilahan, ICPAC waxay xustay, in xaalado abaareed oo uu sababay isbadalka cimiladu laga filayo koonfurta Soomaaliya, galbeedka Itoobiya, galbeedka Suudaan iyo badhtamaha Uganda.

“Heerkul ka diiran sida caadiga ah ayaa sidoo kale lagu muujiyey gobolka oo dhan,” ICPAC ayaa tiri.

Suudaan, Eritera, Itoobiya, Soomaaliya, bariga Kenya iyo xeebta Tanzania ayaa diiwaan gelin doona heerkulka ugu sarreeya muddadaas, sida ay sheegtay hay’addu.

Geeska Afrika waxaa ka dhacayay xaalado cimilo xumo, iyadoo abaaro iyo roobab mahiigaan ah ay si isdaba joog ah ug saameeyeen sanadihii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*