Hawlgallada AFRICOM oo kordhay & diyaar garowga wajiga labaad ee xoraynta dalka

Muqdisho- Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa maalmahan xoojiyay duqeymihii ay ka fulinayeen Soomaaliya kadib guulihii wajiga koobaad ee ladagaalanka khawaaritta ee lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Duqeymahan ayaa dhacay iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay ka faa’ideysanayaan hakadka ku yimid duullaanka ay dowladda Soomaaliya ku la jirto kooxdaasi si looga xoreeyo deegaanada maqan.

1-dii bishan June, ciidamada Mareykanka oo taageeraya xooga dalka ayaa weerar cirka ah ka fuliyay meel u dhow Wayaanta. Saddex ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay duqeyntaasi. Afhayeenka AFRICOM, Kelly Cahalan ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay dagaal kula jireen dagaalyahannada Al-shabaab goobta xilliga duqeynta ay dhacday.

Weerarkan ayaa daba socda midkale oo wiigii hore ay AFRICOM ku beegsadeen Khawaarijta Buuro-Mareer oo qiyaastii 80km ujirta magaalada Baydhabo ayaa lagu burburiyey hub iyo qalab ay Alshabaab ka qabsadeen ciidamada Uganda ee ka hawlgala Soomaaliya wiigii lasoo dhaafay.

Sanadkan millatariga Maraykanku waxa uu Soomaaliya ka fuliyay sagaal weerar oo xagga cirka ah oo uu ku jiray hawlgalkii bisha Janaayo lagu dilay hoggaamiyihii Daacish, Bilaal Al-Sudani. Hawlgaladan xidhiidhka ah ayaa hordhac u ah wajiga labaad ee cidhibtirka khawaarijta oo diyaar garow ay ugu jirto dawladu in lagu sifeeyo deegaanada K/Galbeed iyo Juballand oo ah labada deegaann ee ay cududa khawaarijtu ku hadhay kadib guulihii ay dawladu ka gaadhay wajitii koobaad ee lagu xoreeyay inta badan Sh/Hoose, Hiiraan iyo Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*