Xubno Danab ah oo loo xidhay xatooyo raashin

Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay shaqada uga joojisay oo ay xabsiga dhigtay xubno ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Danab, oo ah koox gaar ah oo uu Mareykanku tababaray, kuwaas oo ku kacay falal xatooyo sahay uu ugu deeqay Mareykanku. Dawladdu ayaa hadda kadib la wareegi doontaa maamulka sahayda unugga.

Qeybta Danab ayaa muhiim u ah dadaalka Mareykanka uu ku taageerayo la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa markii ay ogaatay xatooyada, waxa ay ku wargelisay saaxiibada caalamka, waxa ayna balan qaaday in ay la wadaagi doonaan waxa ay ka helaan baaritaankooda.

Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaato warbixinnadan xatooyada ah, isla markaana ay qorshaynayaan in ay Danab ka caawiyaan samaynta kontaroolo iyo xeerar si loo joojiyo in ay mar kale dhacdo.

Mareykanka ayaa caawiyay qeybta Danab tan iyo sanadkii 2017, isagoo tababarayay isla markaana siin jiray qalab ay ugu jawaabaan la dagaalanka Al-Shabaab. Bishii Febraayo, Maraykanku wuxuu sidoo kale ogolaaday inuu ku kharash gareeyo in ka badan $ 100 milyan si loo dhiso ilaa shan saldhig oo milatari oo loogu talagalay cutubka.

Inkastoo guulo horudhac ah laga gaaray dhaq-dhaqaaq ciidan oo bilowday 2022-kii, kaasoo Al-Shabaab lagala wareegay deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya, haddana dadaalka ayaa ah mid adag. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhibaato kala kulmaya gacan ku haynta deegaanada miyiga ah, waxaana Al-Shabaab ay sii wadaan weeraro waaweyn oo ay ka geystaan ​​magaalada Muqdisho.

Tani maaha markii ugu horeysay ee uu Maraykanku joojiyo xoogaa caawinaad ah; waxay dhacday 2017 markii ciidamadu ay la socon waayeen cuntada iyo shidaalka. Mareykanka ayaa sidoo kale si joogta ah u fulisa duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah mintidiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*