Caqliga iyo Dhaqanka Dagaal Sokeeye

Yusuf Abdirahman

Dalal badan ayaa waxaa ka dhex dhacay dagaallo sokeeye 100 kii sanadood ee u dambeeyey, hase ahaatee dalka Mareykanka wuxuu ka dhacay dagaal sokeeye muddo hadda laga joogo 300 sanadood oo in yar dhiman. Si walba ha ahaatee, iney ka gudub sameeyaan waxay ku xirneyd jidkii ay u mareen iyo man-hajkii ay qaateen inuu noqdo kaabaha ama buundo ( bridging ) dib isagu xiri karto labaddii daan ee loo kala jabay.

Cadaaladda kala guurka iyo dib u heshiisiinta, waxay ahaayeen intii ugu wanaagsaneyd ee la qaatay. Si loo kala dego, la kala gar qaato ama la kala gar naqsado. Illeyn ilaa iyo Maalinta aakhiro leyskuma rarnaan karo. Aakhiradu waa meesha keliya ay taal Cadaalad dhab ah, dadyowguna yihiin Markhaati.
Waa yahay, haddaba Somali maxaa helay oo Dunidda ka reebay?

Haddii aan tusaale iyo is barbardhig u soo qaato dalalka Ciraaq iyo Libiya oo ay ka dhaceen dagaallosokeeye, taaso sabab loogga dhigay inuu ku yimid dulmi iyo fashal Siyaasadeed.Oggow Labadaas dal waa ka kheyraad badan yihiin Somalia, welina ma helin xasilooni iyo nabad ku wada noolaansho midna. Waayo, waxay iska indho tireen Cadaaladdii oo waxay u dhaqaaqeen dhankii Bililiqadda ( الغنيمة ).Dowlad isku sheegnimadda Maanta waa BILILIQO. Kuwii Shalay isku sheegayey iney dulmanaayey ayaa Maanta dulmigii weli wada, markey wax walba heleen.

Markey halkaas mareyso ama joogto, bal aan u soo noqdo teenni. Somalida meel walba Dowladnimo ma heystaan ee waa maamullo u tagaan Bililiqo hantidii Dadweynaha Somalida iney meel madow marsadaan ( Black holes ). Dunidana waxay inoo arkaan dad iyaga naftoodda is kala qeybiyey oo dhibka isku si dheereyey. Iney Somalida yihiin dad kala duwan shaki kuma jiro sida; Midabadda u kala duwan yihiin ee u kala qurux badan yihiin oo kale. Hayeeshee, haddii midab midab kale la dulsaaro waxaa soo baxo midab madow sidii bar madow oo kale.

Waxaa qoray Yusuf Cabdiraxmaan oo ah aqoonyahan kafaalooda arimaha Bariga Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*