Carqaladaynta Cadaaladda

Yuusuf Cabdiraxmaan

Dad badan waxay is weydiiyaan Geeska Afrika maxay u noqon weyday goob nabadeed ama meel dadyowga ku nool ay si nabad ah ugu wada noolaan waayeen? ( Fiiro gaar ah; halkan geeska Afrika waa Somalia, Ethiopia, Eriteria iyo Jabuuti ), wixii intaas soo raaca waa Bariga Afrika sida Kenya, Tanzania iyo Uganda. Geeska Afrika wuxuu ku caan baxay; Abaarro ( oon iyo gaajo ) iyo dagaallo.

Haddii aan tusmo iyo hog tusaaleyn u soo qaado isbedeladdii ka dhacay 50kii sanadood ee u dambeeyey oo isagu jiray; isbedello Siyaasadeed, isbedelka deegaanka ku dhacay iyo isbedello isagu jira kuwo bulsho iyo kuwo xaduud. 1974 Ethiopia oo laheyd nidaam Boqortooyo, wuxuu isu bedelay mid fowdo ku dhisan iyo Askar wax xukunta sidii Somalia, 1977 waxaa xoroowday Jabuuti si lama filaan ah oo aan cadaalad ku dhisneyn, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii u dhexeeyey Somalia & Ethiopia. 1991 wuxuu noqday isbedelkii la sugaayey mid: ( qolo qolo iyo qowleysato ) 2da dhinac ee Somalia & Ethiopia.

Markey halkaas mareyso, qaladka, qalooca iyo qardajeexa xaggee buu ka yimid? 1995, waxaa Ethiopia ka go’day Eriteria cadaalad la’aan iyo Somaliland oo dadaal u gashay iney Somalia ka go’do cadaalad la’aan. Ka dibna, 2da dhinac ee Somalia & Ethiopia waxaa ka bilowday naceyb iyo burbur hor leh oo salka ku hayo dhulalkii laga gooyey sida kuwii la siiyey xoriyadda maqaar saarka ( Eriteria & Jabuuti ) iyo kuwa aan weli helin oo halganka ku jira sida; Somali Galbeed, Somaliland, Sidaamo, Bengole iyo Shacuubta Koofurta Ethiopia.

Ugu dambeeyntii, Shirarkii iyo Shirqooladdii ka kala dhacay; Adis Abeba, Qaahira, Carte iyo Empegati siddey u kala horeeyaan intaba waxay ahaayeen kuwo lagu car-qaladeyeey Somali ineysan weligood cadaalad helin. Waxaa lagu mashquuliyey siddey dowladnimadda dib ugu dhisan lahaayeen. Waa yahay, Dunidda Maanta ma jirtaa dowlad aan cadaalad ku dhisneyn? Cadaaladdu waa laf-dhabarka xukun kasta. ( Cadaaladda ka gudubka iyo dib u heshiisiinta ) waa lagama maarmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*