M/w Deni oo magacaabay guddiga Puntland ku meteli arrimaha federalaynta dalka

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay tallaaban inuu uga golleeyahay, baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalka.

Magacaabiddan guddigan ayaa timid kaddib markii dhawaan Puntland ay sheegtay inay si kaligeed ah qaddiyadaha la xiriira arrimaha federalka iyo dastuurka ugala xaajoonayso dowladda federalka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay inuu dastuurkeeda siinayso awoodo ku saabsan inay sidii dowlad madax bannaan u dhaqanto. Magacaabidda guddigan ayaana u muuqda mid ka jawaabaya awoodahaas ay Puntland sheegayso. 

Dowladda federalka ayaa dhawaan sheegtay inay soo dhoweynayso gorgortan Puntland ay ku dhawaaqday, si loo wada hadlo, xaaladdana meesheedii looguso celiyo.

Waxyaabaha ay Puntland diidan tahay waxaa kamid ah, in dastuurka la dhameystiro iyadoo Somaliland arinteeda aan xal laga gaarin, iyo meeqaamka caasimadda.

Halkaan ka akhriso guddiga uu Deni magacaabay.

1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye

2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen

3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin

4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin

5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin

6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin

7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin

8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin

9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin

10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin

11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin

12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin

13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin

Guddiga Khubarada:-

1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye

2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen

3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin

4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin

5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin

6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin

7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin

8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin

9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*