Xassan Sheekh oo booqasho ku tagay Taansaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassanayaa aayaa gaadhay magaalada Daara-Salaam, halkaa oo si diirran loogu soo dhaweeyey isaga iyo wafdigiisa.

Taansaaniya oo ah xarunta Dallada Bulshada Bariga Afrika oo dhawaan ay Soomaliya ku biirtay. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo kala yeelan doona dhigiisa Marwo Samia Suluhu iyo madaxda wadankaala danaha guud ee labada dal iyo xaaladda gobolka, iskaashiga dhaqaale iyo arimaha Dallada ay ku mideysan yihiin Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midnimada dalka Tansaaniya oo ay kasoo qayb gali doonaan madaxda dalalka geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*