Siyaasadda Geeska Afrika & Sirdoon

Yusuf Abdirahman

Muddaddii ay dalka Ethiopia xukunkiisa hayeen ( TPLF) oo aheyd 27 sanadood, waxay dhuunta qabteen dhammaan dadyowgii ku noolaa geeska Afrika oo ay ugu horeysay Eriteria oo ah dad ay si aad oo weyn isagu dhow yihiin dhanka deegaanka iyo dhaqanka.

Somalia warkeedda haba ku sheegin, waxay aheyd oo keliya meeshii laga taageeri jiray ( Hiil & Hoo ), markey xukunka la wareegeen, waxay la soo baxeen weji kale ee Qowleysato iyo Somalia inay ka dhigtaan Xaabo ( waxna u oggoleyn ).

Si walba ha ahaatee, markii meesha ka baxay xukunkii iyo awooddii Qowleysataddii Tigray, waxaa meesha yimid nidaam cusub oo aan la fileyn ( micnihii; Ethiopia waa dal xukun dheer, waxaanna weligeed qeybsan jiray 2 qolo ee kala ahaa Amhara oo Boqortooyo ahaa iyo Shaqaalaha oo Tigrey ahaa, waxaanna leysku oran jiray Abbesynia ).Qoladdii u badneyd ee Oramia, waxaa lagu qanciyey iney yihiin ubaxii cusbaa – Adis Abeba ).

Haddii aan intaas kaga haro Taariikhda iyo deegaanka, Ethiopia waa dal leh nidaamka Baarlamaaniga, awoodda fulinta waxaa leh Ra’iisul wasaaraha.Haddaba, maxay tahay qaladkii u sameeyey Abiye Ahmed ee Dunidda oo dhan ay la wareersan tahay?Dagaalkii uu ku kiciyey Tigrey iyo xulafooddii waxaa ku taageeray dad badan ee gudaha sida Eriteria iyo Somalida qaarkood, markii laga reebo ilmo Tigrey iyo agoontoodda.

Hayeeshee, dib u heshiisiintii u la galay ( TDF ) Johannesburg-South Africa, waxay ka careysiisay Eriteria iyo xulafadisii gudaha gaar ahaan Amhara. Taasina, waxay fursad cusub ee u helay u noqotay Qowleysatadda Ruushka ee Wagner, oo u hanqal taageyso buuraha dahabka iyo buunka Amhara, waxayna u soo mari doonaan dalka Eriteria. Sawirka khariidadda si wanaagsan u eeg, Wuxuu muujinaayaa oo keliya Caasimadaha iyo Magaalooyinka Dekadaha leh ee geeska Afrika.

Waxaa qoray Yusuf Cabrixamaan oo ah aqoonyahan ka faalooda arimaha geeska Afrika. Wuxuu kunoolyahay dalka Netherland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*