Puntland oo ku guulaysatay doorasho qof & cod ah

Garowe- Shacabka maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo ah markii ugu horaysay ee doorasho noocan ahi ka dhacdo Soomaaliya ilaa dawladii shacabka ee lixdameeyadii.

Doorashadan oo u gogol xaaadhaysa doorashada madaxwayne ee Puntland ee soo socota oo ku koobnayd deegaanada ayay ka codeeyeen dad gaadhaya 400,000 oo ruux. Inkastoo ay Maxwayne Xassan Sheekh & R/Wasaare Xamse Barre ka digeen inay amni-darro keeni karto, mucaaradka Puntlandna ay qaadaceen waxaa lagu guulaystay inay u qabsoonto si nabad ah

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in gobolka uu sameeyay taariikh. “Puntland waxay gaartay guul taariikhi ah oo la taaban karo, iyadoo 30 degmo ay ka dhaceen doorashooyin nabad ah,” ayuu yiri Juxa. “Tani ma ahan guul u soo hoyatay Puntland oo keliya, balse waa guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan iyo caalamka dimuqraadiga ah.” Waxaa kale oo bogaadiyay kuna booriyay maamulada kale inay sidoo kale kudaydaan, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo beesha caalamka.

Doorashadan qof & codka ah ayay soo dhaweeyen shacabka Soomaliyeed meel ay joogaanba. Iyaga oo uarka inay awooda kusoo celinayso gacanta shacabka sooomaaliyeed inay xor u noqdaan doorashada madaxdood, horseedna u ah horumarka wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*