Midowga Jaamacada Carabta oo Soomaliya ka cafiyay dayntii lagu lahaa

Tunis- Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, Mudane Cabdulraxiim Suleymaan, ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed laga cafiyay dhammaan deymihii hore ee Ururka.

deyn cafintaan ayaa timid kadib shirkii 42-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaas oo shalay laga soo saaray go’aan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka wafdiga Soomaaliya ee shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Wafdiga shirkaas ku metelayey Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Sharmaake Maxamed Warsame.

Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta Cabdulraxiim Suleymaan ayaa ku nuux-nuux saday sida ay Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabtu u jecel yihiin in Soomaaliya ay xubin firfircoon ka noqoto howlaha Ururka.

Sidoo kale Agaasimaha carrabka ku adkeeyay in ururku uu mar walba isku dayo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan leh.

Waxa uu tilmaamay in midawgu uu Soomaaliya ka rajeynayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Ururka Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, si loo horumariyo xirfadda iyo tayada xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*