DRC oo xidhay nin Soomaali ah oo weeraray kaniisad

Kinshasa– Mas’uuliyiin ayaa aqoonsaday ninka Somalida reer Keenya ah ee u xiran DR Congo (FARDC) oo lala xiriirinayo qaraxii Axadii ka dhacay kaniisad ku taal bariga DRC oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Mas’uuliyiinta Congo ma aysan shaacin magaciisa markii la xiray Axadii, balse Waaxda Bilayska Kenya ee La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ayaa Isniintii ku sheegtay inuu yahay C/risaaq Muqtaar Garaad oo 29-jir ah, kaasi oo ka soo jeeda Degmadda Wajeer ee Waqooyiga Kenya.

Weerarka bambaano ayaa ka dhacay kaniisad ku taal Kasindi oo u dhow xadka DRC iyo Uganda, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 39 qof oo kale.

Af hayeenka FARDC Anthony Mualushay ayaa weerarka ku xidhiidhiyay ciidamada Allied Defence Forces (ADF), koox argagixisa ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uganda, balse fadhigoodu yahay bariga DRC. Garaadka ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay ADF.

Kooxda argagixsada ayaa looga shakisan yahay inay walxaha qarxa soo dhigeen kaniisada Protestant-ka intii lagu guda jiray howlahooda subaxnimo.

Akhriso: Sideed qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Soomaaliya oo ay sheegteen Al-Shabaab: Booliska

Deegaanka Kasindi oo wax ka yar 100km u jira magaalada Beni ee bariga DRC oo ay ilaalo ka wadaan ciidamada Uganda iyo kuwa DRC ee dagaalka kula jira ADF.

Kooxdan argagixsada ayaa qayb ka ah in ka badan 120-kooxood oo hubaysan oo ka dagaallama bariga DRC oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo kalena ay ku barakaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*