Dowladda oo Khawaarijta kala wareegtay deegaano kale oo muhiim ah

Dh/Marreeb– Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa muddo 24 saac gudahood ah dib ula wareegay deegaan kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamada wadajirka ah ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud oo in ka badan toban sano ay gacanta ugu jireen kooxdaasi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlayay warbaahinta dowladda.

Ceel-Dheer oo ah magaalo taariikhi ah oo xuduud la leh Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sidoo kale ku dhow degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa Isniintii shalay la wareegay degmada Xarardheere oo fariisin u aheyd Al-Shabaab oo ku taalla xeebta badweynta Hindiya.

Kooxdaasi waxay haysteen magaalada Xarardheere muddo 15 sano ah.

Maleeshiyada hubeysan ee Al-Shabaab ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay isaga baxay degmada Xarardheere iyo Ceel-dheer, kadib markii ciidamada dowladda oo ay hogaaminayaan ay cadaadis ku saareen labada magaalo ee waaweyn ee Galmudug.

Xarardheere waxa ay saldhig weyn u ahayd burcad badeeda afduubka u haysata maraakiibta ganacsiga ilaa sanadkii 2011-kii, waxaana markii dambe la wareegay Al Shabaab oo markii ugu horeysay ka soo horjeestay dowladda sanadkii 2007 ka hor inta aysan ballan qaadin in ay la mid tahay Al-Qaacida.

Tan iyo markii ay qaadeen duullaanka ballaaran ee bishii Ogosto ee la soo dhaafay, dowladda iyo maleeshiyo beeleedyada huwanta ah waxay ku qasbeen malayshiyaadka ka soo horjeeda dhulalka bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*