Idris Elba & Sabrina Dhowre oo ku baaqay in la maalgaliyo saboolka aduunka shirka Davos

DAVOS- Aktarka Idris Elba iyo Xaaskiisa Sabrina Dhowre Elba ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo hogaamiyayaasha Siyaasadda inay taageero dheeraad ah u fidiyaan Waddamada ugu Faqiirsan ee Maalgashi halkii ay ka heli lahaayeen Gargaar.

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay buurta loo dalxiis tago ee Davos ee Switzerland, ayaa Elbas labadaba lagu sharfay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Lamaanayaashan oo ah Danjirayaasha Wanaagga ee Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee Qaramada Midoobay, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir madaxeedka sannadlaha ah in si degdeg ah loo taageero dhaqaale dadka ay saamaysay cunto yari iyo isbeddelka cimilada.

Sabrina Dhowre Elba ayaa soo bandhigtay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jira Soomaaliya,Haiti,Sudan iyo wadamo kale,iyado si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada heysata beeraleyda yar yar ee aan helin agabkii ay u baahnaayeen oo haddana ay soo saaraan saddex meelood meel cuntada meeraha.

“Waxaan halkan u joognaa Davos si aan u iftiimino dadka iyo dalalka aan samaynin cinwaannada sida ninkeyga,” ayay tiri iyadoo eegaysa lammaanaheeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*